U bood dhigaalka

Amarro Lagu Soo Rogay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeyo Gaas Axmed Maxamed Jimcaale, ayaa ku dhowaaqay amarro ku aadan amniga Muqdisho, laguna soo rogay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay taliyaha in aan la ogoleyn in la qaato dareeska ciidanka xoogga dalka, sidoo kalena ciidanka xoogga dalka aanay hub ku dhex qaadan karin magaalada Muqdisho, gaadiidoodana aanu warqad fasax la’aan ah socon karin.

Cid walbo oo isku dhejisa qoriga laga qaadayo, ama ku dagaallanta ayuu sheegay taliyaha iney mas’uul  ka tahay wax walbo oo dhib ah ee yimaada.

“Waxaan u sheegeynaa ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dadweynaha, Lama ogola qof aan xoogga dalka Soomaaliyeed ahayn oo labisan dharka tuutaha oo calaamad u ah xoogga dalka Soomaaliyeed, cid kasta oo amni u yahay ama meel kasta ka shaqeeyo qofkii lagu helo tallaabo adag oo sharci ah ayaa laga qaadayaa, ammarkaasi wuxuu quseeyaa dhammaan mas’uuliyiinta ay la socdaan, dhammaan waa in la ogaado in la mamnuucay labiska dareeska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo dhibaato badan ka timid, ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa loo sheegayaa in magaalada aan hub lagu dhex qaadan karin, ciidamo ammaanka ka shaqeynaya ayaa jira, qofkii lagu helo iosaga oo magaalada qori ku dhex wato waa laga qaadayaa, haddii uu isku dhejiyo, isku adkeeyo ama ku dagaallamo wixii dhibaato ah ee ka yimaada isaga ayaa magaalada ah, waa mamnuuc in magaalada hub lagu qaato, sidoo kale gaadiidka xoogga dalka Soomaaliyeed wixii magaalada socda waxaa looga baahan yahay inuu haysto ruqsadda dhaqdhaqaaqa gaadiidka, haddii gaarigaasi laga waayo qofka saaran waa dambiile, gaarigana waa laga dhigayaa, marka waxaan jeclahay dhammaan in sidaasi la ogaado, gaadiid dhaq dhaqaaqi kara ma jiro illaa uu ka wato warqadda dhaq dhaqaaqa socodka” ayuu yiri Taliyaha.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmahan dambe waxay aad u adkeysay amniga guud ee magaalada Muqdisho, waxaana socda hub ka dhigis.

Gooboog News