U bood dhigaalka

Ambassador Michael Keating Oo Rajo Ka Muujiyey In Doorashooyinka Soomaaliya u Dhacaan Si Xalaal Ah

Sheeko:Dalka

Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael  Keating oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka la filayo in dalka ay ka dhacaan iyo sidoo kale qorshaha amni ee jira.

Keating ayaan ugu horreyn weeydiinnay  qorshaha diyaargaroga sugista amniga xilliga doorashooyinka.

“Masuuliyadda Asaasiga ah ee sugidda Amniga Doorashooyinka waa mid u taala Dowladda Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyadda waxaa jira Ciidamo gaar ah oo loogu talagalay inay sugaan ammaanka doorashooyinka oo isugu jira Ciidamadda AMISOM iyo Kuwa Dowladda Federaalka, Qaramadda Midoobayna waa ay taageeraysaa howshaas, Waxaana ilaa iyo hadda la qabtay howl wanaagsan haddii ay ahaan lahayd heer Federaal ilaa heer Maamul Goboleed”

“Horay ayaa loo xusay meelaha wufuudu sii joogayso ama halka  howsha ugu badani ee la xiriirta doorashadda ka dhacayso marka waa la xaqiijinayaa goobaha ergooyinku ku sugnaanayaan ee ay ku codaynayaan’’  ayuu yiri Michael  Keating.

Keating ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada la filayo dalka inay dhawaan ka dhacdo kusoo dhamaato si amni iyo xalaal ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Waxay ila tahay dadaalka  adag ee loogu jiro sidii doorasho dalkan uga dhici lahayd inay suuragelin doonto doorashaddu inay noqoto mid si xalaal ah u dhacda , waayo dadbadan ayaa codeyn wax ku doortay tan iyo 1969-kii”

“Tiradda codaynaysa sanadkan ayaa ka badan intii codaysay  2012-kii , sidaa darteed isxilqaan iyo dadaal daacadnimo ay ku dheehantahay oo haddaba muuqata ayaa suuragelin karta in doorashadaasi ay ku dhacdo si xur ah oo aan cabsi lahayn”

Michael  Keating waxa uu sheegay sidoo kale in doorashadan ay goob jgog ka ahaan doonaan qubaro qiimeeya doorashada, eegana xor ahaanta iyo qaab wanaagga ay doorashada u dhaceyso.

“Waxaa goobjoog ahaan doonaa qubaro qiimeynaya doorashadda , la taliyayaal hab wanaagga iyo xur ahaanta doorashadda indha indheen doona, waxaa sidoo kale jiri doona guddiga doorashooyinka oo la soconaya dhaqdhaqaaqa musharaxiinta kana hortagaya in doorashaddu noqoto mid aan sidii la rabay u dhicin, marka tiro badan oo dad ah ayaa la socon doona doorashada”

Ambassador Keating ayaan weydiinnay cabsida laga qabo karo in Al-shabaab caqab ku noqdaan doorashooyinka la filayo inay dhacaan maadaama magaalada Muqdisho ay qaraxyo kala duwna ka geysteen.

Wuxuu sheegay in Al-shabaab weli ay xooggan yihiin, balse wuxuu sheegay in ay sameyn doonaan wax wlabo oo looga hortago weeraro Al-shabaab ay damcaan.

“Al-shabaab wali waa ay xoogan yihiin , Oo waanu ognahay . waxaanu aragnay qaraxii u dambeeyay ee ay  ka gaysteen hotel Muqdisho ku yaala isbuucii la soo dhaafay , Laakiin waxaan kuu sheegi karaa in waxwalba oo looga hortagayo kooxdaasi weerarradda ay damacsan yihiin  in la sameeyay lana  sii wadi doono , iyadoo guddiga qaran ee amniga oo kaashanaya ciidamadda qaranka  inay ka hortagaan weeraradda nuucaas ah”

Dalka waxaa ka dhici doona doorashooyinka dadban, iyadoo dowladda Soomaaliya ay sheegtay in xoogga ay saartay amniga goobaha ay ka dhici doonaan doorashooyinkan.

Goobjoog News