U bood dhigaalka

Amiin Ambulance: 30 Qof Oo Dhaawac Ah Ayaan Qaadnay, Qaraxyadii Saxafi Hotel (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamulka Amiin Ambulance ayaa sheegay in dhawacyo kabada 30 ay gaarsiiyeen isbitaalada magaalada Muqdisho, kuwaas oo waxyeello kasoo gaartay qaraxyadii is xig xigay ee shalay Muqdisho ka dhacay.

Bashiir Xasan Faarax oo ka mid ah Amiin ambulance ayaa sheegay in dadku ay isugu jireen kuwa qaba dhaawacyo fudud iyo kuwa culus, isagoo xusay in isbitaallada weli ay ku howlan yihiin daweeynta dhaawacydaas.

Waxa uu sheegay in dhankooda ay ku guuleysteen in ay daabulaan dhaawacyada ,islamarkana wax dhib ah dhankooda aysan ka soo gaarin qaraxyadii shalay dhacay.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News