Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casis oo Geeriyooday
Sheeko:Dalka
Nawaaf Bin Cabdi Casis oo ahaa La taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa Talaadadii geeriyooday sidaa waxaa sheegtay dowladda Sacuudiga.
Amiir Nawaaf, waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka arimaha gudaha iyo Madaxa Sirdoonka dalka Sacuudiga.
Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa sheegay in Amiirka Caawa lagula dukan doono Xaramka salaadda Cishaha Maanta oo arbaco ah.
Amiir Nawaaf waxaa uu ahaa 82 jir, waxaa horay 2002-dii looga qalay Wadnaha xilligaas uu aad u xanuunsaday.