U bood dhigaalka

Amiir Nawaaf Bin Cabdi Casis oo Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Nawaaf Bin Cabdi Casis oo ahaa La taliyaha Boqorka Sacuudiga ayaa Talaadadii  geeriyooday sidaa waxaa sheegtay dowladda Sacuudiga.

Amiir Nawaaf, waxaa uu horay u soo noqday Wasiirka arimaha gudaha iyo Madaxa Sirdoonka dalka Sacuudiga.

Mas’uul u hadlay Sacuudiga ayaa sheegay in Amiirka Caawa lagula dukan doono Xaramka salaadda Cishaha Maanta oo arbaco ah.

Amiir Nawaaf waxaa uu ahaa 82 jir, waxaa horay 2002-dii looga qalay Wadnaha xilligaas uu aad u xanuunsaday.