U bood dhigaalka

Amiirka Dowladda Qatar Oo Booqasho Ku Marayo Qaar Ka Tirsan Wadamada Qaaradda Afrika

Sheeko:Dalka

Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda ayaa waxa uu booqasho uu ku tagay waddanka Itoobiya, booqashadaas oo qaadanaysa muddo dhan labo maalmood amiirka ayaa waxaa socdaalka ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Qatar waxaana si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka Adia-ababa.

Amiirka Qatar ayaa waxa uu sheegay in booqashadiisa ay tahay mid aad muhiim u ah marka loo fiiriyo xiriirka labada waddan, waxayna ka wadahadli doonaan asaga iyo ra’iisulwasaaraaha Itoobiya sidii lagu xoojin lahaa xiriirka ka dhaxeeya labada waddan iyo sidii la iskala kaashan lahaa dhinacyada ay labada waddan ay danta ugu jirto.

Booqashada uu ku tagay amiirka dowladda Qatar waddanka Itoobiya ayaa waxay qeyb ka tahay booqasho uu ku tagayo amiirka wadamo ku yallo qaaradda Africa kuwaas oo ay ka mid yihiin Kenya iyo Koofur Africa,waana booqashadii ugu horreysay oo uu ku tago wadamada ku yaalo qaaradda Afirca tan iyo markii la doortay sanadkii 2013kii.

Dowladda Qatar ayaa waxay doonaysaa inay  isbahaysi ay la sameysto qaar ka tirsan dowladaha qaaradda Africa si ay kaalin mug leh uga ciyaarto qaaradda,gaar ahaan waxay isbahaysi la yeelanaysaa dowladda Itoobiya oo iyadu ah xarunta ururka midowga Africa.

Goobjoog News