U bood dhigaalka

Amiirka Qatar Oo Ammaanay Iran, Weerar Afka Ahna Ku Qaaday Wadamada Dariska Ah Iyo Imaaraadka Iyo Sacuudiga Oo Ka Jawaabay

Sheeko:Dalka

Amiir Tamiim oo ah amniirka dalka Qatar ayaa mar uu ka hadlayey xaflad ciidan ku qalin jabinayeen waxaa uu sheegay in Saldhigga Militari ee Caydiid ee Mareykanka ka sameystay gudaha Qatar ay ujeedadiisu tahay mid la iskaga ilaalinayo damaca wadamada dariska ah.

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Qatar, Amiirka waxaa uu sheegay in Xamaas ay tahay cidda si rasmi ah u matasha Falastiiniyiinta, isaga oo ammaanay Xisbu Laahida dalka Libnaan.

Sheekh Tamiim bin Hamad Al Thani waxaa uu khudbadiisa ku sheegay in Iran ay tahay quwad goboleed ay tahay in xiriirka loo wanaajiyo isaga oo iska fogeeyay in Qatar ay farageliso dalalka kale.

Mar uu ka hadlayey Isra’il waxaa uu sheegay in Qatar iyo Isra’il uu ka dhaxeeyo xiriir aad u wanaagsan

Amiirka Qatar waxaa kale uu qiray in xiriirka isaga iyo Trump u dhaxeeya aanu aheyn mid wanaagsan.

Hadalkaasi markii uu ku soo baxay wakaaladda wararka Qatar, siina daayeen Al-Carabiya iyo SKY News ayey mas’uuliyiin ka tirsan Qatar sheegeen in la jabsaday barta wakaaladda, qoraalkaasina la soo dhigay.

Wadamada Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa go’aan ku gaaray in ay mamnuucaan Al-jazeera iyo boggaga laga leeyahay dalka Qatar.

Goobjoog News