U bood dhigaalka

Amiirka Qatar Oo Gaaray Dalka Ghana

Sheeko:Dalka

Amiirka dowladda Qatar Sheikh Tamiim Binu Xamda Aala Thani  ayaa gaaray magaalada Accra ee caasimadda wadanka Ghana oo ah lugtii ugu dambeysay booqasho uu ku marayo galbeedka Afrika.

Amiirka ayaa waxaa uu ka yimid wadanka Côte d’Ivoire halkaasi oo ay ku soo kala saxiideen labada dal dhowr heshiis si loo xoojiyo xiriirka labo geesoodka ah .

Ghana iyo Qatar ayaa waxay ka wadahadli donaan arrimo dhowr ah oo ay ka midyihiin siyaasadda mashruucyada iskaashiga dhaqaalaha iyo sixiixidda heshiisyo kale oo la doonayo in lagu xoojiyo xiriirka labada dal.

Arrimaha kale oo ay ka wada hadli doonaan amiirka Qatar iyo madaxweynaha Ghana ladagaalanka kooxaha arrgigixisada ah iyo xaaladaha bariga dhexe.

Sheikh Tamiin ayaa horay waxaa uu u booqday wadamada  Guinea, Senegal, Mali, Burkina Faso.

Goobjoog News