U bood dhigaalka

Amiirka Qatar Oo Socdaal Uga Bilowday Yurub

Sheeko:Dalka

Amiirka Qatar Sheikh Tamiin Binu Xamda Aala Thaani ayaa waxa u bilaabatay booqasho uu ku tagayo qaar ka mid ah waddamada Yurub.

Amiirka waddamada uu ku tagayo booqshada waxaa ka mida ah Belgium halkaasi oo muddo labo maalmood ah uu booqasho ku joogi doono.

Socdaalkiisa ayaa waxaa ku wehliya tiro ka mid ah wasiirada xukuumadda Qatar iyo ganacsato.

Socdaalkan ayaa waxaa la filayaa in uu xoojiyo xiriirka labo-geesoodka ah ee ka dhaxeeya Qatar iyo Bulgium-ka.

Amiirka ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in uu sidoo kale sii mari doono dalal kale oo ka tirsan isla Yurub.

Socdaalkan ayaa waxaa lagu tiriyaa kii ugu horreeyay ee dibadda uu ku tago sanadkan socda amiirka Qatar, waxaana la filayaa in booqashadiisa Yurub ay soo kala saxiixdan heshiisyo dhowr ah oo ku qotoma dhinacyada Iskaashiga.

Goobjoog News