U bood dhigaalka

AMISOM Oo Beenisay in Ay Ka Baxday  Aden Yabaale

Sheeko:Dalka

Afhayeenka AMISOM  Lt Col Joe Kibet oo Goobjoog News la hadlay ayaa beeniyay in ay AMISOM ka baxday Aden Yabaale, isagoo intaa raaciyay in jimcihii ay qabsadeen magaalada welina ay heystaan.

“Magaalada inaga ayaa heysano, ciidamadeena waxaa ay ku sugan yihiin dibadda magaalada si aan shacabka loogu soo dhex dhuuman” sidaa waxaa sheegay Lt Col Joe Kibet.

Kibet waxaa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan khasaare ka dhashay dagaalkii labada dhinac balse ma aanu sheegin qaabka iyo tirada rasmiga ah ee dhinacyada soo kala gaaray.

Hadalkan waxaa uu meesha ka saarayaa warar soo baxayey saacadihii la soo dhaafay oo sheegayey in Al-shabaab ay dib ula wareegeen Aden Yabaal.

Al-shabaab iyo AMISOM ayaa ku dagaalayama deegaanno ka tirsan koofurta Soomaaliya, mana jirto guulo dhameystiran oo laga gaarayo dagaalka daba dheeraaday.