U bood dhigaalka

AMISOM:Ciidamo aan la soo baarin kama imaan doonaan Sierra Leone

Sheeko:Dalka

Wakiilka midowga Afrika ee Somaliya ahna madaxa hawl galka midowga Afrika ee AMISOM danjire Maman S. Sidikou ayaa wuxuu daboolka ka qaaday in ay ka feejigan yihiin in cudurka Ebola uu soo gaaro Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray ayaa wuxuu shacabka Somaliyeed iyo bulshada caalamkuba uu ku war geliyay in AMISOM ay horey u qaaday qorshooyin ay ku xaqiijineyso inuusan dalka Somaliya soo gaarin Virus-ka Ebola.

“Waxaan rabnaa inaan u xaqiijino shacabka Soomaaliyeed iyo caalaamkaba in AMISOM qaadatay tallaabooyin lagu xaqiijinayo inaanu Soomaaliya soo gaarin cudurka halista ah ee Ebola.” ayuu yiri madaxa hawl galka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wuxuu kaloo yiri “Waxaan hakinay ciidamo dalka Sierra Leone ka imaan lahaa oo bishii July ee sanadkan bedeli lahaa kuwii horey halkaan u joogay.”

danjire Maman ayaa cadeeyay in ay dhowri doonaan ilaa iyo inta ay wax iska bedeleyso, isla-markaana ay Ciidamada Sierra Leone sii jooggi doonaan Somaliya, oo aan la bedeli doonin.

“Waxaana ka dhur suggi doonaa xaaladu sida ay noqoto, taasi waa qorshaha aynu ku doonayno in aanu ku badbaadinno shacabka Soomaaliyeed. Guutadii la bedeli lahaa ayaana sii shaqeyneysa.” ayuu yiri Maman.

Dowladda Somaliya, ayaa waxay Khamiistii sheegtay inay la socon doonto dhaq dhaqaaqa Ciidamada AMISOM ee la keenaayo dalka, ilaa iyo inta ay taagan tahay mushkilada ka dhalatay Ebola.

Askari ka tirsan guuto ka socda Sierra Leone oo loo soo waday Soomaaliya ayaa todobaadkii hore laga helay cudurka Epola.

Ciidanka Sierra Leone ayaa ku sugna gobollada Jubbooyinka.