U bood dhigaalka

AMISOM: Ghana Oo Booliis usoo Direysa Soomaaliya

Sheeko:Amniga

AMISOM ayaa qorsheyneysa in 160 ka tirsan booliiska Ghana ay ku soo daraan ciidamada jooga, kuwaas oo qeyb ka noqon-doona xasiloonida Soomaaliya.

Sida ay AU sheegtay wafdi ka socda Booliiska Ghana ayaa booqasho todobaad ah ku joogay magaalada Muqdisho iyaga oo ujeedkoodu ahaa sidii ciidamo booliis ah oo hor leh u keeni lahaayeen caasimadda.

“Ghana waxaa ay qorsheyneysaa in 160 booliis ah ku xoojiso howlagalka booliiska AMISOM, oo lagu keenayo qorshaha kala-guurka ee golaha ammaanka meel mariyey qaraar NO 2372 (2017), kaas oo ka hadlayey in la yareeyo militariga, lana xoojiyo booliiska oo la gaarsiiyo 1,040”.

AMISOM ayaa lagu wadaa in amniga magaalooyinka ay ku wareejiso Soomaalida, arrintan oo qeyb ka ah qorshaha kala guurka ee lagu heshiiyey.

Ghana waxaa hadda ka jooga  39 Booliis ah, shaqadoodu waa tababar iyo inay gacan siiyaan booliiska.

Goobjoog News