U bood dhigaalka

AMISOM Iyo Mareykanka Oo Ka Digay Hub Culus Oo Ku Dhacay Gacanta Alshabaab

Sheeko:Dalka

Hawlgalka AMISOM iyo taliska Mareykanka ee Africa (AFRICOM) ee iska-kaashada amniga Soomaaliya ayaa ka digay in Alshabaab heleen awood iyo hub culus oo ay ku-sii-wadaan weerarrada qasaaraha geysta oo ay ka fuliyaan dalka.

Bishii January, Xarrakada Alshabaab waxay weerartay saldhig Millateri oo ku yaalla gudaha dalka Kenya kaas oo martigeliya ciidamo isugu jira Kenyan iyo Mareykan waxaana weerarkaas ku dhintay askar Mareykan ah iyo dad kale.

Dowladda Mareykanku waxay xaqiijisay in saldhigga la soo weeraray ay ku weysay hal askari iyo laba qandaraasle. Saldhigga Manda Bay wuxuu kaalin muhiim ah ka ciyaaraa hawlgallada cirka ee Mareykanku ka fuliyo Soomaaliya sida lagu sheegay war kasoo baxay AFRICOM.

Wareysi ay la yeelatay Jariiradda EastAfrican Lt Christina M Gibson oo ah afhayeenka Africom ayaa sheegtay in danaha Mareykanka ee Soomaaliya ay yihiin sidii looga hortegi lahaa ururrada gacansaarka la leh Al-Qaeda iyo ISIS.

“Soomaaliya amni ahaan waxay muhiim u tahay geeska Africa, xasillooni muddo dheer ah oo ay hesho waxay muhiim u tahay danaha Mareykanka ee gobolka. Hawlgallada Mareykanka ee sii socda waa tillaabooyin lagu taageerayo diplomaasiyadda iyo dadaallada horumarineed,” ayey tiri afhayeenka Africom.

Waxay xustay in tan iyo 2006 ay Alshabaab sii kordhinayeen dagaallada iyagoo qabsaday hub culus, gawaari gaashaaman, miinooyin, hub fudud, rasaas iyo sahay kale waxayna ku qabsadeen dagaallo ay la galeen Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo AMISOM sidoo kalena gacanta ku dhigay saldhigyo ciidamada ka socda Africa ee gobolka jooga.

Taliska Mareykanka ee Africom wuxuu sheegay inay muhiim tahay in ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ay meesha ka saaraan tabar-darradooda taasoo dammaanad-qaadeysa inay sii wadaan cadaadiska ay ku hayaan Alshabaab lana abuuro xaalad guulo looga gaari karo siyaasadda iyo dhaqaalaha.

Bishii December 31, 2019, Alshabaab waxay sheegatay mas’uuliyadda qarax xooggan oo Muqdisho ka dhacay kaasoo ay ku naf-waayeen 81 qof oo ay ku jiraan laba muwaaddin oo u dhashay Turkiga. Maalin kaddib qaraxaas, Africom waxay sheegtay inay ku qaadeen weerar cirka ah saldhigyo ay ku leedahay Alshabaab Shabeellaha Hoose islamarkaana ku dileen afar ka tirsan dagaalyahannadooda kana burburiyeen laba gaari.

“Weerarrada dhanka cirka ah ee la hubiyey waxay taageeraan ciidamada aan iska kaashanno amniga waana dadaallo looga difaacayo dadka Soomaaliyeed argagixisada innagoo abuureyna fursado sare loogu qaadayo maamulka dowliga ah inuu shaqeeyo. Laakiin waa muhiim in la xusuusnaado in weerarrada dhanka cirka ah ay yihiin hal nidaam oo amni kuwaas oo aan ka fulinno Soomaaliya,” Ayey u sheegtay afhayeenka Africom jariiradda EastAfrican

Goobjoog News