U bood dhigaalka

AMISOM Oo Baaritaan Ku Sameynaysa Shacabkii Lagu Dilay Halgan

Sheeko:Dalka

Taliska AMISOM ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameynayaan shacab maalin ka hor ay ciidamada Itoobiya ku dileen duleedka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada AMISOM Qeybta Afaraad ee gobalada Hiiraan iyo Galgaduud, Korneel Cabdiraxmaan Cabdi Dhimbil ayaa sheegay in guddi baaritaan sameeya loo saaray dhacdadii Halgan, lana ogaan doono sida ay wax u dhaceen.

Waxa uu sheegay Taliyaha in loo xaqiijiyay in falkaasi uu dhacay, balse la baarayo sida ay wax u dhaceen.

“In shil weyn uu ka dhacay Halgan waan maqlay, arrintaasi markii aan wareystay inay jirto waa la ii rumeeyay, sida ay u dhacdayna waa la baarayaa, soo cadeeya ayaan ku iri sida ay arrintaasi ku dhacday, waxay sheegeen in gaariga uu joogsan waayay meel Koontarool ah, balse sida a wax u dhaceen ayaa laga doonayaa inay soo xaqiijiyaan” ayuu yiri Taliyaha.

Korneel Dhimbil ayaa dhinaca kale ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, islamarkaana ay soo sheegaan meel walba oo ay ku tuhmaan in Al-shabaab ku sugan yihiin.

Maalin kahor ayaa ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan waxa ay ku dileen 6 qof oo shacab ah, sidoo kalena waxaa halkaasi ku dhaawacantay 5 kale.

Goobjoog News