U bood dhigaalka

AMISOM Oo Beenisay In Dad Shacab Ah Ku Dileen Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Taliska ciidamada AMISOM ayaa iska fogeeyay in ciidamadooda ay dad shacab ah shalay ku dileen magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

War-saxaafeed kasoo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in iyagu aysan waxyeelo u geysan dad shacab ah, balse ciidamadooda ay howlgal ka sameeyeen goob Al-shabaab ku sugnaayeen.

Howlgalka ayeey sheegeen in ay ciidamada AMISOM ka fuliyeen shalay gelinkii hore deegaan lagu magacaabo Jujuumo oo ay sheegeen in ay ku sugnaayeen Rag Al-shabaab ka mid ah.

War-saxaafadeedka AMISOM kasoo baxay ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamadooda ay dileen dagaalyahanno ka mid ah Al-shabaab oo sarkaal sare uu ku jiray, kaasi oo magaciisa ay ku sheegeen Maxamed Daahir waa sida ay hadalka u dhigeene.

AMISOM ayaa ugu dambeyn sheegtay in ciidankooda aanay dad shacab ah dilin, sidoo kalena ilaalinayaan xuquuqda aadanaha, kana reeban tahay in dad shacab ah ay dilaan.

Marka laga soo tago war-saxaafadeedkaan kasoo baxay AMISOM ee lagu beeninayo in dad shacab ah ay ku dileen magaalada Marka ayaa dhinaca kale waxa ay shacabka ku dhaqan magaaladaasi iyo maamulkooda xaqiijiyeen in AMISOM ay shalay shacab badan ku dileen magaaladaasi.

Goobjoog News