U bood dhigaalka

AMISOM Oo Beenisay Iney Soo Qabatay Mukhtaar Roobow, Muqdishana Keentay

Sheeko:Amniga

Ergayga gaarka ah ee ururka midowga afrika ee arrimaha Somalia, Ambassador Francesco Madeira ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku sheegay in AMISOM aaney shaqo ku laheyn soo qabashada Mukhtaar Roobow iyo keenistiisa magaalada Muqdisho.

Ambassador Francesco Madeira waxaa uu sheegay in AMISOM ay xushmeyneyso qarannimada Soomaaliya iyada oo mar kale ku celisay inay masaafo isku mid ah u jirto kooxaha iska soo horjeeda sida uu dhigayo Mandate-ka ay Soomaaliya ku joogto.

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan dhinacyada iney aad isu xadidaan xalinta khilaafka ka taagan dalka iyo doorashada koonfur galbeed. AMISOM waxaa ay sii wadeysaa shaqadeeda, iyada oo si dhow ula shaqeyneysa dadka iyo dowladda, xushmeyneysana sharciyada, dhaqanka” sidaasi waxaa yiri Ambassador Francesco Madeira

Ugu dambeyntii, waxaa uu ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay Baydhabo, isaga dhaawaca u rajeeyey caafimaad degdeg ah.

December 13, 2018, ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda federaalka ah ee Baydhabo ayaa xiray murshaxii koonfur galbeed Mukhtaar Roobow, waxaana magaalada ka socda qalalaasao.

Goobjoog News