U bood dhigaalka

Cadaado: Ciidamo Kale Oo Ka Socda AMISOM Ayaa Maanta Gaaray

Sheeko:Dalka

Ciidamo ka socda midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta mar kale gaaray magaalada Cadaado oo dhowaan la filayo inay ka billowdaan doorashooyinka aqalka  hoose ee dowladda cusub.

Madax ka tirsan maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa ku soo dhoweeyay magaalada Cadaado ciidamadani oo tiradooda ay gaarayso ku dhowaad 100 askari oo AMISOM ah.

Ciidamao kale oo  AMISOM ayaa sidoo kale tegi doona magaalada Cadaado maalmaha soo socda waxaana la sheegay in ciidamadani ay qeyb ka noqon doonaan xaqiijinta ammaanka inta Cadaado ay ka dhacayaan doorashooyinka xildhibaannada aqalka hoose qeybtooda ka imaanaya magaaladaasi.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Cismaan Subagle oo ka hadlayay Cadaado ayaa sheegay in gaaritaanka Cadaado uu kamid yahay shaqadooda ay u joogaan Soomaaliya islamarkaana ay qeyb ka qaadanayaan sugidda ammaanka.

“Imaanshaha Cadaado ee AMISOM waxay ka mid tahay shaqadeenna waxaana ilaalinaynaa habka doorashada ay u dhacayso ammaanka ayaan shaqo ku leenahay oo doorashada ay nabadgalyo u dhacdo” ayuu yiri Taliyaha AMISOM.

Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi oo ciidamadani ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ayaa sheegay in AMISOM ay kaalin ku leedahay xaqiijinta ammaanka.

“Ciidamadani AMISOM waxay door ku leeyihiin sugidda amniga inta ay socdaan doorashooyinka aqalka hoose islamarkaana waxay wax ka qaban doonaan arrimaha nabadgalyada iyagoo naga la shaqeynaya horumarka” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Galmudug MR. Xaashi.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo ka socda AMISOM markii ugu horreysay cutubkooda wuxuu gaaray magaalada Cadaado oo ah xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Goobjoog News