U bood dhigaalka

Askar AMISOM ah Oo Labo Qof ku Diley Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in askar ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah  ku dileen magaaladaasi, ka dib qarax lagu weeraray ciidankaasi.

Ciidamada AMISOM oo marayay bartamaha magaaladaasi ayaa wararku waxay tilmaamayaan in lagu tuuray Bam gacmeed, kaas oo wax khasaare ah aan geysan, balse ciidamada AMISOM ayaa rasaas ay fureen waxaa ku dhintay Laba qof oo shacab ah, iyadoo Laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Dadkii ku dhaawacmay rasaasta ay AMISOM furtay oo xaaladooda aad u liidato ayaa lagu soo waramayaa in loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si loo daweeyo.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamada AMISOM ay weli rasaas kor u ridayaan, mana jiro dhaq dhaqaaq dhanka shacab ah oo halkaasi ka jira.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Marka ayaa dhowr jeer sidaan oo kale waxaa loogu weeraray Bam gacmeed, iyadoo marka ciidankaasi la weeraro ay rasaas furaan.

Goobjoog News