U bood dhigaalka

AMISOM oo Deeq Caafimaad Gaarsiisay Isbitaalka Guud Ee Baladweyne

Sheeko:Caafimaadka

Ciidamada Dalalka Jabuuti iyo Itoobiya oo qaybta ka ah howl-galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle.

Dawadaan oo  isugu jira noocyo kala duwan ayaa ah qaybtii Labaad ee ay Midowga Afrika gaarsiiyaan Baladweyne Bishan gudaheeda, waxaana loogu tala galay in loo qeybiyo xarumaha Caafimaadka ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan ayaa ka guddoomay deeqda ay midowga Afrika soo gaarsiisay  Isbitaalka guud ee Baladweyne, wuxuuna ugu mahad celiyay caawinaadda ay lasoo gaareen Shacabka tabaalaysan.

Goobjoog News