U bood dhigaalka

AMISOM Oo Dooneysa CiidamoDheeraad Ah

Sheeko:Dalka

Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna guddoomiyaha AMISOM Francisco Madeira ayaa sheegay iney u baahan yihiin ciidamo dheeraad ah oo Soomaaliya ka howlgala.

Madeira ayaa sheegay in ay ka walaacsan yihiin iney sii yaraadaan ciidamada AMISOM, kadib markii dowlado badan oo Burundi kamid tahay sheegeen in dalka ay kala bixi doonaan ciidankooda.

Waxa uu tilmaamay Mr Madeira in AMISOM ay u baahan tahay ugu yaraan 9 kun oo askari, kuwaasi oo ka qeybqaata howlgallada ka dhanka ah la dagaalanka Al-shabaab.

Sidoo kale waxa uu sheegay guddoomiye Francisco in loo baahan yahay ugu yaraan 20 kun oo ciidamada Soomaaliya ah kuwaasi oo si hufan ula wareega howlaha AMISOM ka hayaan Soomaaliya, walibana ah ciidamo tababaro dheeraad ah la siiyey.

Francisco Madeira ayaa dhinaca kale sheegay iney jirto dhaqaale xumo soo wajahay ciidamada AMISOM, taasi oo sabab u noqon karta in dowlado badan ay ciidankooda kala baxaan Soomaaliya.

Hadalkan ayaa imaanaya xilli dowladda Burundi ay sheegtay iney bilowday isniintii shalay hannaanka ay ciidankeeda ka badan 5-ta kun ugala bixi lahayd Soomaaliya.

Goobjoog News