U bood dhigaalka

AMISOM Oo Heshiis Dhexdhigtay Gudoomiyayaasha Hiiraan Iyo Baladweyne

Sheeko:Dalka

Saraakiisha AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ee ku sugan magaalada Baladweyne ayaa ku guuleystay in ay xaliyaan khilaaf u dhaxeeyay gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax iyo gudoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Macallin Khallaafow, kaasi oo muddo soo jiray.

Khilaafkaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii wareegto kasoo baxday xafiiska gudoomiyaha gobalka Hiiraan shaqadii looga fariisiiyay gudoomiyaha Baladweyne iyo ku xigeenkiisa.

Dood dheer iyo wada hadal maalmahaan dambe uga soconayay magaalada Baladweyne AMISOM iyo mas’uuliyiinta is khilaafsan, ayaa ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la xalliyo khilaafkaasi.

Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen ciidamada AMISOM oo lagu qabtay magaalada Baladweyne, kana qeybgaleen mas’uuliyiinta is Khilaafsan, saraakiisha AMISOM, Odayaal dhaqameed iyo xubno kale, waxaana lagu soo bandhigay qodobada lagu heshiiyay.

Gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax oo ugu horeen halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay heshiiskaan la gaaray, islaamarkaana dhankiisa ay ka go’an tahay sidii loo meel marin lahaa.

Waxa uu shacabka ku dhaqan gobalka Hiiraan ka codsaday in ay cafiyaan ka shaqsi ahaan, maadaama uu sheegay in dhibaato walba oo dhacda cidda lagala xisaabtamayo uu isaga yahay.

Gudoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Macallin Khallaafow oo isna munaasabadaasi hadal ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay heshiiskaasi, waxaana uu u mahad celiyay saraakiisha ciidamada Jabuuti oo kaalin ka qaatay xallinta khilaafkaasi.

Tan iyo markii uu soo bilawday khilaafka u dhaxeeya gudoomiyaha gobalka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Afrax iyo gudoomiyaha magaalada Baladweyne Maxamed Cismaan Cabdi Macallin Khallaafow ayaa sababay in amniga magaalada Baladweyne iyo howlihii kale ee maamulka ay gabaabsi ku yimaadaan.

Goobjoog News