U bood dhigaalka

AMISOM oo ka hadashay Dhacdadii Magaalada Marka

Sheeko:Dalka

Uqaabilsanaha midowga Africa ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa uu ka hadlay dhacdadii ka dhacday magaalada Marka 31-July ee sanadkaan.

Ergayga ayaa waxa uu sheegay in ay warbixin ka soo saareen 4-August oo ku saabsanayd in baaritaan lagu samayn doono sarkaalkii hogaaminayay ciidamadii dadka rayidka ahaa ku laayay magaalada Marka lana sii wadi doono illaa xogta dhabta ah la helo

ergayga ayaa yiri “run ahaantii waxaan soo saarnay in dhacdaas 7 qof oo rayid ah lagu dilay ayna ku lug lahaayeen ciidamadeena sidaa darteed waxaan jeclahay aniga oo u hadlaya midowga Africa in aan raali galin ka bixino dhimashadaas waxaana leeyahay aad baan uga xunnahay, waxaan rabaa inaan tacsi u diro eheladii, qaraabadii dhammaan dadka soomaaliyeed iyo dowladdaba”

ergayga ayaa sheegay in baaritaankii uu wali socdo haddii lagu helo ciidamaas in ay dambiga galeena sharciga lala tiigsan doono

dabayaaqadii bishii July ayay ahayd markii ciidamo ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku dileen magaalada Marka taas oo sababtay qaylo dhaan ka timid bulshada rayidka ah, Baarlamaanka iyo ururada u dooda xuquuqda aadanaha.