U bood dhigaalka

AMISOM Oo Ka Hortimid Qorshaha In Ciidamada Kala Baxdo Soomaaliya

Sheeko:Dalka

5-ta ee ay ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ka joogaan Soomaaliya ayaa golaha ammaanka ka codsaday in sii joogaan illaa 2020-ka.

Qorshaha ka bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee Uganda, Kenya, Burundi, Ethiopia iyo Djibouti ka jooga Soomaaliya ayaa ahaa sanadkan, laakin sida muuqata arrintaasi waa iska diideen.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Uganda  Sam Kutesa ayaa sheegay in qaraarka golaha ammaanka 2372 ee  Aug. 30, 2017 uu ahaa in ay baxaa AMISOM si tartiib ah illaa 2020-ka, laakin AMISOM ayaa rabto in ay bixitaanka tartiibka ah bilowdo 2020-ka waayo dooddeeda waxaa ay ku soo biyo-shubaneysaa in haddii ay baxaan la lumin-doono shaqadii ay hayeen 10 sano, oo sheekada noqon-doonto gadaal ka soo bilow.

Madaxweyne Farmaajo waxaa uu qabaa in howshu tahay faannoole fari kama qodna isaga oo intaasi raaciyay in loo baahan yahay istarattijiyad waxtar leh oo lagula dagaal Al-shabaab si loo jabiyo isaga oo ugu baaqay midowga Yurub iyo beesha caalamka in ay arrinkan gacan ka geystaan.

2-badii sano la soo dhaafay, AMISOM ma qaadin wax dagaal ah, inta badan miyiga iyo meelaha ka baxsan magaalooyinka waaweyn ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxaa heysto Al-shabaab.

Goobjoog News