U bood dhigaalka

AMISOM oo Kun Askari Oo kale Saareysa Bishan

Sheeko:Amniga

AMISOM ayaa go’aansatay iney kun askari oo kale ay ka saarto Soomaaliya bishan Febraayo xilli ay sii kordhayaan weerarada Al-shabaab ee ka dhanka ah dowladda federaalka ah.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay AMISOM, waxaa la fulin-doonaa 18-ka bishan, “Kulanka waxaa lagu heshiiyey in la fuliyo sida balanta aheyd lana saaro ciidamada” sidaas waxaa lagu sheegay qoraal soo baxay January 31, 2020

Guddiga go’aanka gaaray waxaa ay intaasi ku dareen iney ka xun yihiin go’aanka marka la eego xaaladda Soomaaliya balse ay balan fulinayaan.

Heshiiska amniga ee London ee 2017 waxaa lagu heshiiyey in sanad walba ciidamada AMISOM laga saaro kun askari, muddadaas wixii ka dambeeyey AMISOM waa ay saareysay ciidamo laakin dhanka kale lama dhisin ciidamo 18 kun oo heshiiska ahaa in loo dhiso ciidamada xoogga dalka.

Goobjoog News