U bood dhigaalka

AMISOM oo Mar Kale Soomaali Dishay

Sheeko:Amniga

Ciidamada AMISOM ayaa maanta dad rayid ah oo la sheegay iney beeraley ahaayeen waxaa ay ku dileen deegaanka Buurane oo hoos yimaada degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha dhexe oo kana tirsan dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Ciidamadaan oo waday howlgallo lagu baarayay miinooyin  ayaa waxaa ay  ku guuleysteen iney  qarxiyaan mid ka mid ah miinooyinkii lagu aasay waddada, miinadadii 2-aad ayaa haleeshay ka mid ah gaadiidkii  ay wateen ciidamada.

Ciidama ayaana furay rasaas xoogan ka dib markii uu dhacay Qaraxa waxaana rasaastii ay ciidamadu fureen ku geeriyooday labo qof oo la sheegay in ay ahaayeen dad beeraley ah kuwaas oo ka mid ahaa Beeraleyda deegaanka Buurane.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanada Hirshabeelle ayaa waxaa ay dhowr jeer la kulmeen qaraxyo noocan oo kale ah rasaasta ay ridaan ayaa waxaa waxyeelo ka soo gaartaa dadka iyo waliba xoolaha.

Goobjoog News