U bood dhigaalka

AMISOM Oo Muddo 30 Cisho Ah Xanibtay Dhaqdhaqaaqa Xarunta Xalane ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya kaasi oo loo yaqaan AMISOM, ayaa xaddiday dhammaan galitaanka iyo ka bixitaanka xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

AMISOM ayaa waxa ay sheegtay in xerada ay xayiraadda saarnaan doonto muddo 30 cisha cudurka coronavirus awadii, xilli guud ahaan Soomaaliya ay saaran tahay xayiraad dhinaca duulimaadyada caalamiga ah.

Bayaan uu soo saaray howlgalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in iyagoo tixgalinayo baahida loo qabo in la xakameeyo oo uusan faafahin cudurka coronavirus ee safmarka ah, sidoo kalana loo dhowro caafimaadka iyo badqabka dadka deggan xeradaas iyo kuwa soo booqanayaba, ayaa AMISOM waxa ay xerada Xalane ku soo rogtay xayiraad muddo 30 cisha ah oo ka bilaabanaysa saqda dhexe ee 29-ka bishan Maarso.

Jimcihii la soo dhaafay Qaramada midoobay ayaa xagiijisay in qof ka shaqeynayay xafiiskooda Xalane ee magaalada Muqdisho laga helay caabuqa sida daran u faafa ee Coronavirus.

Image may contain: text

Goobjoog News