U bood dhigaalka

AMISOM OO Raalli-gelisay Hoggaanka Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira ayaa kulan uu la qaatay hoggaanka aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah sheegay sida ay u ixtiraamayaan hoggaanka aqalka sare iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulankan mas’uuliyiinta aqalka sare ee joogtay waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha golaha mudane Cabdi Xashi, ku-xigeenkiisa 1aad Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo ku-xigeenka 2aad Mowliid Xuseen.

Sidoo kale, inta uu kulanka socday waxaa ay labada dhinac ka wada hadleen xiriirka baarlamaanka federaalka ah iyo AMISOM.

AMISOM ayaa horay u aqbashay inay ilaaliso amniga aqalka sare, si mas’uul uga noqoto amniga guud ee baarlamaanka federaalka ah.

Kulankan waxaa kale uu imaanaya kadib markii bishii hore 19keedii ay AMISOM is hortaag ku sameysay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi, arrintaas oo xilligaas aad uga fal-celiyeen madaxda iyo xildhibaannada aqalka sare.

Goobjoog News