U bood dhigaalka

AMISOM Oo Raalligelin Ka Bixisey Dhacdo Ay Ku Dishay Muwaadin Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Taliska AMISOM ee Soomaaliya ayaa raalli gelin ka bixiyay dhacdo ciidankooda ay ku dileen darawal baabuur halka ay ku dhaawaceen labo qof oo kale oo dhammaantood ah muwaadiniin Soomaaliyeed.

War qoraal ah oo ka soo baxay ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa lagu sheegay in nasiib darro ay u aragto AMISOM dhacdadaasi uu ku dhintay muwaadinka Soomaaliya labada kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhacdadani oo ka dhacday Magaalada Muqdisho gaar ahaan xero ciidankooda ay ku sugan yihiin, waxaana ay sheegtay inuu soconayo baaritaanka dhacdadani.

Falkaan oo dhacay Arbacadii ayaa waxaa AMISOM ay sheegtay in baabuurka ciidankooda ay rasaaseeyeen oo khasaaraha uu ka dhashay uu marayay waddo ay baaritaan ka haysay AMISOM.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu qeexay in bilihii la soo dhaafay AMISOM ay billowday baaritaanka muwaadiniin Soomaaliyeed oo ay dileen ciidanka Itoobiya.

Ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya oo tiradooda kumanaan ay gaareyso ayaa xilliyada qaar dilal bareer ah lagu eedeeyaa inay u geystaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee iyagu ku sugan goobaha ay joogaan ciidamadaasi.

Goobjoog News