U bood dhigaalka

AMISOM Oo Sheegatay In Ay Dileen Hogaamiye Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga dalka Kenya ayaa lagu sheegay in ciidamada AMISOM ay dileen sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay soo weerareen saldhig ay leeyihiin ciidamada Soomaalida kaas oo ku dhaw saldhig kale oo AMISOM ku leedahay Gudhaa oo ka tirsan Jubbada hoose.

Dagaal halkaasi ka dhacay waxaa uu qoraalka sheegayaa in ciidanka AMISOM ay xarakada ka dileen labo oo midkooda lagu magacaabo Baashi Nuure Xasan oo ka tirsan deegaanka uu dagaalka ka dhacay.

AMISOM waxaa ay intaa ku dareen in ay qabsadeen 3 AK47, 11 Booshka rasaasta ah, Telefan satellite ah iyo 200 oo rasaas ah.

Dhinaca kale, Al-shabaab weli wax war ah kama soo bixin oo ku aadan warkan ay soo saartey wasaaradda gashaandhigga Kenya.

Goobjoog News