U bood dhigaalka

AMISOM Oo Sheegatay Inay Dishay Dagaalyahanno Ka Tirsan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

AMISOM ayaa sheegatay in illaa 6 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab  ay Axaddii ku dileen shabeellada hoose, hadalkan ayaa imaanaya saacado kadib markii AMISOM iyo ciidamada dowladda Federaalka la wareegeen Jannaale.

AMISOM waxaa ay intaa ku dareen in muddo Todobaad ah ay Al-shabaab ka dileen ilaa 7 ka tirsan saraakiisha ugu sarreysa.

Saraakiisha ay AMISOM sheegeen in ay dileen waxaa ka mid ah Abdirashid Bugdube oo ka tirsanaa saraakiisha Janaale, Aden Bale oo Lego ka mas’uul ahaa, Sheikh Mohamed Ali  oo Jannaale ah,  Mohamed Abribao Garsoore Jannaale,  Hassan Ali Dole , Aminiyaadka Shabeelada hoose, Abu Islaam oo ahaa Yemani ku taqasusay qaraxyada iyo  Sheeikh Mansur oo Kenyaan ah tababarada qaabilsanaa.

AMISOM waxaa ay sidoo kale sheegeysaa in ay socdaan dadaalo Jannaale loogu furayo waddooyin isla markaana lagu nadiifinayo miinooyinka.

Goobjoog News