U bood dhigaalka

AMISOM Oo Sheegtay In Dhowaan Ay K/galbeed Ka Bilaabayaan Howlgal Ka Dhan Ah Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka AMISOM ayaa sheegay in dhowaan ay deegaannada K/galbeed ka bilaabi doonaan howlgal ka dhan ah dagaalyahannada Al-shabaab.

Taliyaha ciidamada AMISOM Jeneraal Cismaan Nuur Subagle oo Baydhabo tagey ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsiyaha badan isku furi doonaan deegaannada K/galbeed.

Waxa uu tilmaamay in ciidamo badan oo AMISOM ah la geyn doono deegaannada K/galbeed, gaar ahaan deegaannada la qorsheynayo in Al-shabaab ay kala wareegaan.

Sidoo kale taliyaha ayaa ku bogaadiyey shacabka Koonfur Galbeed iney la shaqeeyaan ciidamada dowladda Federaalka, kuwa K/galbeed iyo ciidanka AMISOM.

Al-shabaab ayaa weli gacanta ku haya deegaanno kamid ah gobollada Baay, Bakool iyo Shabellaha Hoose, deegaannada qaarna waa ay kala xiran yihiin kadib markii Al-shabaab ay go’doomiyeen.

Goobjoog News