U bood dhigaalka

AMISOM oo Sheegtay in Gobalka Jubbada Hoose Ay Ku Dileen Xubno Ka Tirsan Al Shabaab

Sheeko:Amniga

Qoraal ka soo baxay howlgalka nabad ilaalinta AMISOM ayaa waxaa looga hadlay dagaal jimcihii Al shabaab ay ku qaadeen deegaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Juubada hoose halkaas oo ay fariisin ku lahaayeen ciidanka nabad sugidda Jubbaland iyo kuwa AMISOM.

AMISOM waxa ay qoraalkeeda ku sheegtay inay iska caabiyeen weerarkii Al shabaab ay ku soo qaadeen iyaga oo intaas ku daray inay halkaasi ku dileen xubno ka tirsan Al shabaab sidoo kalane ay hub ku furteen dagaalkaasi.

Ilaa iyo saddex dagaalame oo ka tirsan Al shabaab ayaa lagu dilay dagaalka halka kuwa kalane ay ku dhaawacmeen sida lagu sheegay bayaanka ka soo baxay howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya u jooga nabad ilaalinta islamarkaana  loo yaqaan AMISOM.

“Qeybta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo ku sugan magaalada Bilis Qooqani ayaa jimcihii joojiyay weerar lagu qaadayay Ciidamada Amniga Jubaland (JSF), kaas oo lagu diley laguna qabtey dhowr argaggixiso ah, Ciidamada AMISOM ayaa gacanta ku dhigay dhowr qori oo AK 47 ah iyo rasaas fara badan oo ay ka heleen xubno ka tirsan Al Shabaab oo la go’doomiyey intii lagu guda jiray weerarka”  ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AMISOM.

Dhanka kale war saxaafadeedka dagaalkaasi ay ka soo saartay AMISOM ayaa waxa ay ku sheegtay inay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsan ciidanka amaanka Jubbaland waxaana madaxa howlgalka AMISOM uu Kenya ku booriyay sida ay uga qeybqaateen weerarkii jimcihii lagu qaaday saldhigga Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose.

Al shabaab wali kama aysan hadlin in dagaalamayaal iyaga ka tirsan lagu dilay deegaanka Bilis Qooqaani ee gobalka Jubbada hoose, balse waxaa xusid mudan inay weeraro gaadmo u badan ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Goobjoog News