U bood dhigaalka

AMISOM oo soo dhaweysey doorashada Koonfur Galbeed

Sheeko:Dalka

Maman S. SidikouWakiilka gaarka ah ee guddoomiyaha Midoowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maman Sadiiq ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegey in uu taageerayo doorashadii ka dhacday Baydhabo ee hogaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed loogu doortey Shariif Xassan Sheekh Aadan.

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan maqalno dadka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo gacmaha is qabsaday, kadibna doortey Shariif Xassan Sheekh Aadan. Tani waa talaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, taasi oo ah waxa aan anaga hiigsanayno. Waxaan kaloo amaanayaa hawsha wanaagsan ee ay qabteen ciidamada AMISOM ee ku sugan Baydhabo sida ay u abuureen jawi ku haboon in doorasho lagu qabto cabsi la’aan. Doorashadani waxa ay keentey rajo cusub oo ay yeesheen dadka Bay, Bakool iyo Shabeelada Hoose” ayuu yiri Danjire Sadiiq.

Horey waxaa natiijada shirka u taagey madaxweynaha Soomaaliya iyo maamulada kala ah Puntland, iyo maamulka Jubba.

Goobjoog News