U bood dhigaalka

AMISOM Oo Teknolojiyad U Isticmaaleysa Ladagaalanka Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Si Soomaaliya looga  xaqiijiyo dhanka xasiloonnida waa in la maal-geliyo helitaanka Teknoolojiyad casri ah,  si aanu u dhicin marnaan xagga amniga ah, sidaasi waxaa sheegay Simon Mulongo oo ah ku-xigeenka u qeybsanaha guddoomiyaha midowga Afrika.

Arrintan waxaa uu ka sheegay xilli uu ka hadlay siminaar labo maalin ahaa oo looga hadlayey sida Teknoolojiyadda ay qeyb uga qaadan karto sugidda amniga.

“AMISOM waxaa ay shaqeysaa xilliyo dhib badan, waxaa ayna ku shaqeysaa bey’ad aad u horumarsan” sidaasi waxaa yiri Mulongo, isaga oo intaasi raaciyey in loo baahanyahay waddooyin lagu helo afkaar cusub, oo horumarsan.

Simon Mulongo waxaa uu carabta ku adkeeyey inay muhiim tahay in la helo qaab lagu sugi karo ammaanka ciidamada AMISOM xilliyada ay ka baxayaan xeryada iyo goobaha ay deggan yihiin.

Simon waxaa uu sidoo kale qabaa in Teknoolojiyadda ay muhiim u tahay ladagaalanka argigixiso, gaar ahaan xilliga kala-guurka.

Ciidamada AMISOM ayaa la doonayaa inay amniga si tartiib ah ugu wareejiyaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ay horay u saareen 1,000 askari.

Goobjoog News