U bood dhigaalka

AMISOM: Waa Been Warka Dhahaya Al-shabaab Ayaa Marka Maamulaya

Sheeko:Dalka

Taliska Ciidanka AMISOM ee Soomaaliya ayaa been abuur ku sheegay wararka sheegayey in dhawaan meello ka mid ah magaaladaasi ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Joe Kibet oo warbaahinta kula hadlay magaalada Marka ayaa sheegay in marko ay tahay amni, islamarkaana ay been abuur tahay in Al-shabaab maamulayaan magaaladaasi.

“Waxaan ku sugannahay Marka sida aad aragtaan, ulajeedka ayaa ah in dadka loo sheego in magaalada ay maamulayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, bartamaha magaalada oo hadda taagannahay ayaa xaqiijinaya in Marko aanay ku sugneen Al-shabaab, mar kale ayaan leeyahay waa been warka dhahaya Al-shabaab ayaa Marko maamulaya”

Magaalada Marka ayaa ka duwan sidii hore, badanaa wuu yar yahay dhaq dhaqaaqa ganacsiga, marka ay ciidanka AMISOM galayaanna ma jirto wax dhaq dhaqaaq ah oo magaaladaasi ka jirayo.

Wariyeyaal la geeyay magaaladaasina waxay soo sheegeen in magaaladu saameyn xooggan ku yeesheen dagaalladii dhacay haba ugu darnaadaan kuwii qaab beeleedka u abaabulnaa.

Hadalkaan kasoo yeeray AMISOM ayaa imaanaya xilli ciidamada Al-shabaab ay Labo maalin oo xiriir ah ay maamulayeen magaaladaasi.

Goobjoog News