U bood dhigaalka

AMISOM: Xoolo Ayaan Ku Dilney Baraawe

Sheeko:Dalka

Afhayeenka AMISOM Joe Kibet  ayaa waxaa uu sheegey in ciidamadooda ay dileen ilaa 25-Neef oo Geel ah 4-kalana ay dhaawaceen, xili uu socday dagaal ay kula jireen xarakada Al-shabaab.

Joe Kibet ayaa sidoo kale SONNA u sheegay in Al-Shabaab weerar Qaraxyo ah ay ku soo qaadeen AMISOM xili ay marayeen deegaan lagu magacaabo Wareer-maleh oo u dhow magaalada Baraawe ee Gobalka Shabeellaha Hoose.

“Inta uu socday dagaalka waxaa leesku adeegsanayay Hub Culus, Xooluhuna waxay daaqayeen halka uu dagaalku ka socday, sidoo kalana waxaa AMISOM ka dhaawacmay labo Askari.” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka AMISOM.

AMISOM  xoolaha keliya ma ahee, waxaa ay Shabeellada hoose ku dishey dad rayid ah oo ay xabado ku furtey si naxariis darro ah.

Shabeellada hoose, waxaa ay ka mid tahay meelaha ay ku xoog badan tahay xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta AMISOM iyo dowladda Soomaaliya.

Goobjoog News