U bood dhigaalka

Ammaanka Cadaado oo la adkeeyay xilli wufuud badan ay ku qulqulayaan (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in ay sugayaan ammaanka magaalada Cadaado oo lagu wado in uu gaaro masuulkii maamulka Ahlusunna Waljamaaca u saxiixay heshiiska maamulka loogu dhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Afhayeenka maamulka Ximan iyo Xeeb Carees Maxamed Xaaji oo la hadlay GoobJoog FM ayaa xusay in magaalada Cadaado ee xarunta maamulkooda ay u diyaar garowday sidii maamul mideysan loogu dhisi lahaa gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Waxa uu sheegay in wufuud badan ay ka imaan doonaan Hobyo, deegaano u dhow Beledwayn iyo xuduuda dalka uu la wadaago Itoobiya.

Shirka dhowaan ka furmaya Cadaado ayaa hor dhac u noqon doona shir waynaha lagu mideynayo Mudug iyo Galgaduud.

Hoos ka dhageyso codka Carees Maxamed Xaaji: