U bood dhigaalka

Ammaanka Degmada Afgooye Oo La Adkeynayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in wax badan ay ka qaban doonaan ammaanka degmadaasi.

Hadalkaan waxaa sheegay guddoomiyaha degmadaasi Cabdinaasir Cali, kaddib markii maalmihii dambe Afgooye ay ku kordheen dilalka qorsheysan ee qaarkood loo geysanayo saraakiil dowladeed iyo odayaal dhaqan.

Waxa uu sheegay inay ku howlan yihiin dardargelinta ammaanka magaalada Afgooye oo uu sheegay in ciidamada ay wadaan howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.

“Dhibaatada iyo dilalka qorsheysan ee degmada ka socda ma ahan maamulka waxa uu u dulqaadan doono, mid uu ka aamusan yahay ama uu sii fiirsan doono, muwaadin walbo wuxuu xaq u leeyahay in degmada Afgooye ku nabad galaan isaga iyo maalkiisa” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dhanka kale, guddoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa soo hadal qaaday koontaroollo lacago looga qaado gaadiidka oo yaalla degmadaasi, wuxuuna sheegay ineysan waxbo kala socon, islamarkaana ay tallaab arrintaasi ka qaadi doonaan.

Amniga degmada Afgooye ayaa maalmahan aad u liitay, waxaana degmada ka dhaca dilal iyo dhac.

Goobjoog News