U bood dhigaalka

Ammaanka Degmada Cadaado Oo Aad Loo Adkeeyay

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in aad loo adkeeyay ammaanka guud ee magaaladaasi, gaar ahaan nawaaxiga halka lagu qabanayo doorashada madaxweynaha ee maamulka Galmudug.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Jabuuti, Nabad sugidda iyo kuwa Galmudug ayaa sugaya amniga magaalada Cadaado.

Waxaan shacabka iyo gaadiidkaba loo ogoleyn iney ka dhowaadaan halka lagu qabanayo doorashada madaxweynaha.

Maaalmahan dambe waxaa guud ahaan degmada Cadaado laga dareemayay u diyaar garowga doorashada madaxweynaha Galmudug oo dhowr jeer dib uga dhacday waqtigii loo ballamay.

Musharaxiinta kala ah Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Prof. C/qaadir Shirwac iyo Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa lagu wadaa in tartan xoogan ku galaan doorashada Galmudug.

 Goobjoog News