U bood dhigaalka

Ammaanka Degmada Cadaado Oo Laga Shiray

Sheeko:Dalka

Xubno isugu jira garsoor iyo guddoomiyeyaal ka tirsan maxkamada gobolka Galgaduud ayaa kulan ay ku yeesheen degmada Cadaado waxay ka hadleen amniga guud ee degmadaasi.

Waxay sheegeen xubnahan kulanka yeeshay in maalmihii ugu dambeeyey ay degmadaasi kusso laabteen dhacdooyin ay jeclaysan dadka deegaanka oo u baahan in wax laga qabto.

Gudoomiyaha maxkamadda degmada Cadaado, Sheekh C/rashiid Sheekh C/laahi oo kulanka kadib kamid ahaa xubnihii saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga shaqeeyo amniga guud ee degmada Cadaado.

“Deegaankaan waxa uu ahaan jirey mid aamin ah oo mas’uulka ugu sarreeya magaalada iyo kan ugu hooseeya ay meesha ay doonaan si isku mid ah u maraan, waxaana taa ka wada shaqeyn jirey ciidanka Booliiska degmada Cadaado iyo dadweynaha oo isugu jira waxgaradka sida Odoyaasha, culimada iyo ururka dhallinyarada, hadda amniga waxaad moogaa in xoogaa la isku haleeyay oo gacmaha laga laabtay sugistii amniga, waxaa loo baahan yahay in laga wada qeybqaato sugidda amniga Cadaado” ayuu yiri gudoomiyaha maxkamadda Cadaado.

Sheekh Bashiir Ibraahim Ugaas, guddoomiyaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Galgaduud oo isna halkaasi hadal ka jeediyey waxa uu ku booriyey shacabka ku dhaqan  degmada Cadaado iney ka shaqeeyaan sugista amniga degmadaasi, dibna loo helo amnigii iyo kala dambeytii degmada Cadaado.

Muddooyinkii ugu dambeeyey ayaa xilliyada qaar waxaa la sheegaa in falal amniga ka dhan ah ay ka dhacaan  degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Goobjoog News