U bood dhigaalka

Ammaanka Magaalada Baydhabo Oo Aad Loo Adkeeyey

Sheeko:Amniga

Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa K/galbeed iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Wararka waxya sheegayaan in ciidamo badan lagu arkayo maanta xaafadaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi.

Waxa ay baarayaan gaadiidka gudaha magaalada isticmaalayo, waxaana jira xaafadaha qaar gaar ahaan kuwa ku dhow madaxtooyada oo isku socodka la xadiday.

Ulajeedka howlgalladan ayaa ah doorashada la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo magaaladaasi, waxaana ku tartami doona Shan Musharrax.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doorashadaasi si awood ah waxay uga reebtay musharra Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weli Xamar ku xabisan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News