U bood dhigaalka

Ammaanka Magaalada Baydhabo Oo Aad Loo Adkeeyey

Sheeko:Dalka

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Baydhabo, maadaama magaaladaasi lagu qaban doono doorashada madaxweynaha maamulka K/galbeed.

Waxaa magaaladaasi lagu arkayaa ciidamada Booliiska, kuwa xoogga dalka iyo sidoo kale ciidamo Itoobiyaan oo AMISOM ka  tirsan.

Afhayeenka maamulkan Nuuradiin Gacma ayaa Goobjoog News u sheegay in sababta ugu weyn ee loo sugayo ammaankan ay tahay u diyaar garowga doorashooyinka iyo sidoo kale in amniga magaalada gacan adag lagu qabto.

Waxa uu Afhayeenka beeniyey in ammaanka magaalada Baydhabol oo dhan ay la wareegeen ciidamada Itoobiya.

“Ciidamada Itoobiya meelihii ay magaalada ka joogeen ayeey kaga sugan yihiin, ammaanka magaalada waa mid wanaagsan oo waxaa la kordhiyey oo kaliya ciidamada Booliiska gaarka ah iyo kuwa xoogga dalka ee amniga sugaya” ayuu yiri afhayeenka.

Bisha November ee sanadkan ayaa la filayaa in magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha ee maamulka K/galbeed.

Goobjoog News