U bood dhigaalka

Ammaanka Magaalada Garoowe Oo Aad Loo Adkeeyay

Sheeko:Dalka

Ciidamada Puntland ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee magaalada Garoowe, halkaasi oo la filayo in maanta oo Axad ah uu gaaro madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Guud ahaan magaalada Garoowe waxaa lasoo buuxiyey ciidamo u badan kuwa gaarka ah ee Puntland, iyadoo magaaladaasi laga dareemayo qaban-qaabada soo dhoweynta madaxweynaha.

Shalay waxaa magaalada Garoowe tagay wafdi horudhac u ah madaxweynaha, kuwaasi oo usii gogol xaaraya soo dhoweyntiisa.

Madaxweynaha ayaa u tagaya magaalada Garoowe arrimo ay ugu horreyso xarig jarka garoonka cusub ee diyaaradaha Garoowe.

Warkan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News