U bood dhigaalka

Ammaanka Muqdisho Oo Aad Loo Adkeeyey

Sheeko:Amniga

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa adkeysay ammaanka guud ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddooyinka waaweyn ee magaalada.

Saakay waxaa la arkayaa ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo baaritaanno ku sameynaya gaadiidka isticmaalaya waddooyinka Muqdisho.

Waxay ciidamada kala joogaan baro aan kala fogeyn, waxaana ay baarayaan gaadiidka nooca loo yaqaan kuwa raaxada ah.

Waxaan la baareyn gaadiidka Hoomeyda iyo sidoo kale Mooto bajaajta, balse waxaa durba bilowday ciriiri aad u badan oo dhanka waddooyinka ah.

Wadada Makka Al-mukarrama ayaa maanta waxaa ka jira ciriir aad u badan, iyadoo weli saraakiisha ammaanka aanay ka hadlin howlgalladan.

Tani ayaa imaaneysa xilli maalmihii ugu dambeeyey ay magaalada Muqdisho ka dhaceen falal amni darro ah.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News