U bood dhigaalka

Ammar Uu Bixiyey Maamulka B/weyne Oo Maanta La Dhaqangelinayo

Sheeko:Dalka

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan uu ka dhaqangalo ammar maalintii shalay ahayd uu maamulka magaaladaasi kusoo rogey ganacsatada.

Kadib kulan saacado qaatay oo ay wada yeesheen maamulka B/weyne iyo sidoo kale ganacsatada magaaladaasi ayaa lagu go’aamiyey in wax badan laga bedalo sicirka raashiinka iyo sarifka lacagaha qalaad.

Maamulka B/weyne ayaa soo saaray ammaro ay kamid yihiin in lacagta 100-ka doolar sarifkeeda aan laga sare marinkarin 2 milyan iyo Sideed Boqol oo shilin Soomaali ah, in la qaato lacagaha shilin Soomaaliga ah iyo sidoo kale in cid walbo oo kahor timaadda ammarkaasi la xiro, maxkamad la saaro lagana qaado lacag ganaax ah kadibna xabsi lagu xukumo.

Ganacsatada ayaa aqbalay go’aankaasi, waxaana laga yaabaa in maanta ay furaan xarumahooda ganacsi, shacabkuna ay dib u bilaabaan dukaameysigooda.

Magaalada B/weyne waxaa ka jirtay xaalad adag oo dhanka kala iibsiga raashiinka iyo sarifka lacagaha ah kadib markii ganacsatada magaaladaasi ay sheegeen iney soo gashan lacag Shilin Soomaali ah islamarkaana been abuur ah.

Goobjoog News