U bood dhigaalka

Amni Darada Ka Jirta Wadada Isku Xirta Balcad Iyo Jowhar Oo Saameysay Shaqooyinkii Baarlamaanka Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Xildhibaan Faarax Maxamed oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Hirshabelle ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog News wuxuu ku sheegay in shaqooyinkii baarlamaanka maamulkaasi saameeyey kulamada amni darada ka jirta wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar oo Sh/dhexe ah.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in maanta oo Talaado ah la doonayey in la furo kalfadhigii baarlamaanka, balse dib u dhac ku yimid.

Sababaha dib u dhaca ayuu sheegay in xildhibaannada oo aan kusoo safri karin wadada isku xira Muqdisho iyto Jowhar, sidoo kalena loo baahan yahay diyaarado lagu soo daabulo.

“Amniga kolley waad la socotaan, wadadana xilligaan la iskuma soo aamini karo, waa tii ay Labo xildhibaan oo qaali ah nooga dhinteen, waxaa laga fekerayaa sidii diyaarado loogu soo daabuli lahaa xildhibaannada” ayuu yiri xildhibaan Faarax.

Al-shabaab ayaa marar badan waxay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabelle u galeen wadada isku xirta Balcad iyo Jowhar.

Goobjoog News