U bood dhigaalka

Amniga Degmada Ceelbuur Oo La Adkeeyay Iyo Mas’uuliyiin Ku Wajahan Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyay amniga guud ee degmada Ceelbuur Gobalka Galgaduud, halkaasi  oo la sheegayo inay ku wajahan yihiin mas’uuliyiin ka socota dowladda Federaalka iyo maamulka Galmudug.

Ciidamo aad u badan ayaa la dhigay wadooyinka degmadaasi iyo sidoo kale deegaanada halkaasi ku dhaw.

Cabdi Xasan Maxamed oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan degmada Ceelbuur ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamada lagu wareejiyay degmada meel ka baxsan 20-km, sidoo kalena aad loo adkeeyay ammaanka garoonka degmadaasi.

Sidoo kale sarkaalkaan ayaa sheegay in degmada Ceelbuur ay kusoo dhaweyn doonaan mas’uuliyiin ka socota maamulka Galmudug iyo dowladda Federaalka ah.

Degmada Ceelbuur ayaa ka mid ah goobaha ay horay u maamuli jireen Xarakada Al-shabaab, balse ay dagaal ku qabsadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News