U bood dhigaalka

Amniga Degmada Ceelbuur Oo Soo Hagaagaya

Sheeko:Dalka

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug State oo socdaal ku tagay degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud ayaa sheegay in uu soo hagagayo amniga degmadaasi.

Xildhibaan Mahad Cibaar oo ka mid ah mudanayaashani ayaa u sheegay Goobjoog News, in ammaanka degmada Ceelbuur ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in weli degmada sidii loo baahnaa aysan u shaqeyneen adeegyadii bulshada, taasina ay keentay in socdaalkaan ay halkaasi ku tagaan.

Waxa uu tilmaamay in maamulka degmada iyo shacabka halkaasi ku sugan ay kala hadli doonaan sidii loo horumarin lahaa adeegyada Bulshada degmada sida Waxbarashadii, Caafimaadka iyo adeegyo kale oo muhiim ah.

Degmada Ceelbuur ayaa ka mid ahayd meelihii ay maamuli jirtay Xarakada Al-shabaab, hase ahaatee dagaal ka dib waxaa degmadaais la wareegay ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.

Goobjoog News