U bood dhigaalka

Amniga Hoteellada Gaalkacyo Oo La Adkeynayo

Sheeko:Dalka

Kulan looga hadlayay amniga Hoteelada Magaalada Gaalkacyo ayaa maanta dhex maray wasaaradda Amniga Galmudug iyo sidoo kale milkiilayaasha Hoteeladaasi.

Kulanka ayaa ahaa mid Albaabada u xiran, waxaana lagu lafa guray sidii loo sugi lahaa amniga Hoteelada Gaalkacyo, maadaama Hoteeladaasi ay badi isticmaalaan madaxda Galmudug iyo shacab badan.

Cismaan Nuur Taardhuleed oo ah wasiirka amniga Galmudug ayaa kulanka ka dib saxaafadda u faah faahiyay waxyaabaha ay kala hadleen Milkiilayaasha Hoteelada.

“Waxaan qabannay kulan ballaaran oo aynu uga hadleynay amniga, gaar ahaan Hoteelada, kaasi oo ay kasoo qeybgaleen hay’adaha nabad sugidda, Booliiska, Mikiilayaasha Hoteelada iyo wasiirada inta ka joogto Gaalkacyo, muhiimad gaar ah ayeey noo lahayd, maadama maamulkeena cusub yahay waxaan go’aansanay in muhiimad gaar ah la siiyo amniga, Hoteeladana waa meelaha ugu badan ee la deganyahay, waxaan ka wada hadalnay inaan iska kaashanno sidii amniga Hoteelada loo xoojin lahaa, innaga oo isla wadaagnay Fikiradii iyo doodii, ayna ku dhamaatay si guul ah, ayna nala fahmeen milkiilayaasha Hoteelada” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka ayaa dhinaca kale shacabka Gaalkacyo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amniga maagaladaasi, waxaana uu hoosta ka xariiqay in amniga uu gacantooda ku jiro.

Maamulka Galmudug ayaa wado qorsheyaal ballaaran oo ay ku doonayaan inay ku sugaan amniga magaalooyinka ay gacanta ku hayaan.

Goobjoog News