U bood dhigaalka

Amniga Jowhar oo La Adkeeyey, Kahor Inta aaney Bilaaban Doorashada Hoggaanka Maamulka Hirshabelle

Sheeko:Amniga

Waxaa saaka siweyn loo adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Jowhar ee caasim,adda dowlad goboleedka Hirshabeelle, halkaas uu ka socdo dhismaha maamulka Hirshabeelle, waxaana uu marayaa heer gaban gabao ah.

Ciidamada qeybahooda kala duwan sida Booliska iyo Milatariga ayaa ka qeyb qaadanaayo sugidda amniga guud magaalada, waxaana ciidanka lagu arkayaa wadooyinka iyagoo hubinaya waxa soo galaayoiyo waxa ka baxayo.

XIldhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa  maanta  lagu wadaa in ay doortaan Madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen cusub.

Murashaxiinta oo shalay khudbado jeediyey ayaa kala ah Cali Guudlaawe Xuseen iyo C/raxmaan Jimcaale Cismaan oo madxweynnimo doonaya iyo Madaxweyne ku xigeenka ay u tartamayaan Maxamed Maxamuud Cabdule iyo Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Guudlaawe ayaa la sheegayaa inuu ugu cadcad yahay liiska madaxweynaha u tartamaya, horay waxaa uu u ahaa madaxweynee ku xigeen.

Goobjoog News